Heeso

QISADII YUUSUF-3: MAXAA KU KALIFAY WIIL IN UU AABBIHIIS U SHEEGO BEEN?

Maxay tahay sababta ku kalifeyso in dadka been sheegaan? “Danta/duruufa baa igu kalifay”, sida caadiga ah cudurdaarka ay ka bixiyaan dembiyada badan oo ay ka mid yihiin daacaddaro. Si kastaba, maxaa ka ceeb badan in wiilal u sheegaan Aabbahood oo waayeel ah?

Waxaa ka fikiraynaa taxanaha nolosha Yuusuf “Ballamada Eebbe”. Qoraalkeennii hore, waxaa eegnay sida Yuusuf u booqday 10 walaalihiis ka weyn oo xoolo ku ilaalinaayeen meel ka fog degsiimada Aabbahood Yacquub. Sabab maseyrka ay ka maseyrsan yihiin iyo naceybka ay u qabaan Yuusuf, qaar ka mid ah walaalihiis waxay doonaayeen in ay dilaan isaga. Sidee ahaataba,walaakiis ugu weyn Ruubeen baa ka naxariis badnaa kuwa kale. Wuxuu ku dhahay, “Aan ku ridno ceelkaan engegan”, rajenaayay in uu kadib is-badbaadiyo. Si kastaba markii muddo uu maqnaa Ruubeen,ayaa walaalihii kale addoon ahaan u iibiyeen Yuusuuf,ganacsato sii mareysay Falastiin oo u socotay Masar baa Yuusuf ka iibsadeyn walaalihiis.

Si hubaal ah,waa qoys qeybsan oo lumiyay jaceylka caadiga ah iyo midnimadda. Marka hore waxay rabeen in ay dilaan walaalkood. Kaddibna addoon ahaan bay u iibiyeen. Hadda, maxaa saan ka xun ay sameyn lahaayeen? Aan aqrinno mar kale Kitaabka kowaad ee Tawreeddii Nabi Muuse Ee Bilowgii, cutubka 37:

“29 Markaasaa Ruubeen ku noqday ceelkii; wuxuuna arkay inuusan Yuusuf ku jirin ceelka, kolkaasuu dharkiisii dildillaaciyey. “30 Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?”

Ka fikir su’aal “xaggee baan tagaa?” Ruubeen waa wiilka ugu weyn. Waa masuul. Sidee buu isaga iyo walaalihiis u wajahaayaan Aabbahood kaddib dembigan xun? Ruubeen wuxuu ka cabsaday in uu runta ka sheego falkii xumay ay samayeen walaalihiis.

Waxaan aragnaa dembiyada maseyrka & naceybka in uu horseedo dembiyo badan. Qof walaalkiis addoon ahaan uga iibiyo ajnabi. Haddana u baahday in uu dembi kale galo si uu u daboolo dembigii hore:

“31 Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen. 32 Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.”

Ka fikarid haddii aad tahay Yacquub oo aragtid wiilkaaga qiimaha badan oo aad ka dooratay kuwa kale oo jeexjeexan oo daboolay diig. Tanu waxay aheyd naxdin xun. Caadiyan, Yacquub ku riday murugo iyo qalbijab badan:

“33 Wuuna gartay, oo wuxuu yidhi, Waa shuluggii wiilkayga. Bahal xun baa cunay isagii. Shakila’aan Yuusuf cadcad baa loo kala jeexjeexay. 34 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay. 35 Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.”

Haddii aan ku sii soconno taariikhda Yuusuf, waxaa arkeynaa sida dabeecaddiisa uga duwan tahay walaalihiis. Waxaa kalo aragnay sida Ilaaha Qaadirka u maammulayay dhacdada taariikhda. Qorshaha Ilaah ma carqaladeyn karaan dembiyada bini-aadanka caasiga ah.

Ku dhowaan 2000 sano kadib, firka Yahuudah baa dhulka imaan doona. Ninkaas waxuu isku sheegi doonaa “Runta”. Isagaa keeni doona xalka dhibaatada dembiga oo addoonsaday ilaa waalidkii ugu horeeyay Aadan iyo Xaawa markey ku caasiyeen Ilaah. Ninkaa aan dembiilaha aheyn oo nin kaamil ah ayaa suurta galinaayo in bini-aadamka ka fakado silsilo hal dembi oo u horseedaayo dembi kale waliba dembiga ugu xun. Isaga waa xorayo iyo badbaadshaha dhammaan bini-aadamka.

Haddii aad jeceshahay inaad Bilowgii 37, akhrido halkan riix.

Haddii aad dooneyso inaad ka dhegeysato mid ka mid barnaamijka taxanaha la yiraahdo “Jidka Caddaaladda” sidii ay Yuusuf walaalihii sidii addoonka ugu iibiyeen, riix JC26 Yuusuf – Walaalihiis oo Iibiyey Isaga.

Halkan guji/riix si aad heli kartid qormooyinkii hore ee taxanahan ku saabsan ballamadii Eebbe


“1 Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,
2 laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.
3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,
4 isagoo aad uga wanaagsan malaa’igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.”
WARQADDII LOO QORAY DADKII CIBRAANIYADA 1:1-4

Comments are closed