Walaalayaal, ulajeeddada boggan waa in la soo bandhigo gabayada Alle-ammaan ka ah ee walaalaheen inoo soo diraan. Waxaa ugu horreeya “Qaynuunka dahabkaa” iyo “Ilaahow na tilmaanoo”. Bal akhri, oo ka fikir sida hufan ee abwaanka allifay ugu sharraxay nuxurka Injiilka barakadaysan ee Masiixa.
Markii aannu gabayo kale helo, hadduu Alle yidhaah, halkan ayaanu dhigi doonaa.
Waa inaynu raacno taladii rasuul Bawlos–oo ka mid ahaa xertii Masiixa: “Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo. Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.” [Efesos 5:18-19]