Suaal iyo jawaab

Nolosha weligeed ah waa la muujiyey

Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo annu indhahayaga ku aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo erayga nolosha ah. Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay,waannu u marag furaynaa, oo waxaannu idiinka warramaynaa nolosha weligeed ah, ta aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey, wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay ayaannu idiinka warramayna. Si aad idinkuna noo soo wehelisaan.: oo wehelnimadeenu waa mid la jirta aabbaha iyo wiilkiisa ciise masiix ah oo waxaannu waxyaalahan idinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.

Ilaah waa nuur

Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba. Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayeynu la wadaagnaa isaga, Oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegna, Oo runta ma falno. Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga ciise,oo wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan. Haddaynu nidhaahno, dembi ma lihin. Nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto. Haddaynu dembiyadeenna qiranno. Isagu waa amin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo. Oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan. haddaynu nidhaahno, ma aynu dembaabin, waxaynu ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro 1 YOOXANAA 1:1-10

Qaynuunka cusub

Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii heysateen,Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen.Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa,kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah , maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa. Kan yidhaahda, nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada. Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga. Laakiin kan walaalkii neceb gudcurkuu ku jira, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo,waayo . Gudcurkaa indhihiisa tiray.

Wax baan idiin soo qoraya, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis. Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira . Ragga dhallinyarada ahow. Wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, aabbaha waad garanaysaan. Aabbayaashow , wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn tihiin.

oo ereyga ilaah baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Dunida waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jaceylka Aabbuhu kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha. Xagga aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. Oo duniduna way idlaanaysaa,iyo damaceeduba.;laakiin kan doonista ilaah yeelaa wuu jirayaa waligiis.

1 YOOXANAA 2:7-17

Bilowga kitaabkan, iyo salaan

Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo ilaah isaga siiiyey inuu tuso addoommadiisa waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay addoonkiisii yooxanaa isagoo malaa,igtiisa u soo diraya isaga ,kaasoo ka markhaati furay erayga ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, Iyo wixii uu isagu arKay oo dhan . Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo wakhtigii wuu dhow yahay.

Anigoo yooxanaa ah waxaan waxyaalahan u soo qorayaa toddobada kiniisadood oo Aasiya ku yaal. Nimco iyo nabadu ha idiinka yimaadeen kan jira oo jiray oo iman doona, iyo xagga toddobada ruux oo carshigiisa hor jogga . Iyo xagga ciise masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeena dhiiggiisa inagaga furay, oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin. Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga argi doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; Oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato . Aamiin . Rabbiga ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay alfa iyo oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo imam doona, iyo qaadirka.

MUUJINTII 1:1-8

Comments are closed.