Kitaabka quduuska ah

Walaal, ma doonaysaa inaad fursad u heshaan akhriska Ereyga Eebbe? Haddii aad doonayso inaad soo dejisato ood kaydsato faylasha telefoonkaaga gacanta, guji meeshan:

KitaabkaQuduuska.jar [Faylkan waxaa loogu talaggalay kaydsashada toos ee telefoonkaaga]

KitaabkaQuduuska.zip [Faylkan waxaa loogu talaggalay kaydsashada kombiyuutarkaaga markaas si gudbi telefoonkaaga]

 

Saaxiibayaal, Kitaabka Quduuska ah wuxuu leeyahay laba qaybood oo kala ah: Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub. Axdigii Hore waxaa la qoray wakhtigii nebi Muuse [waa 1400 oo sannadood ka hor dhalashadii Sayid Ciise Masiix] ilaa iyo nebi Malaakii [waa 400 oo sannadood ka hor dhalashadii Sayid Ciise Masiix]. Axdiga Cusubna waxaa la qoray dhalashadii Sayid Ciise Masiix ka dib, waxaana qoray rasuulladii Masiixa ee goob jooga ahaa. Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub, labadaba waad u baahan tihiin. Ma garan kartid Axdiga Cusub ka Hore la’aantiis; sidaas oo kalena ma garan kartid Axdigii Hore ka Cusub la’aantiis. Labadda qaybood ee Kitaabka lama kala saari karo oo waa sida silsilad isku xidhiidhsan.

Guji halkan si aad heshid Axdigii Hore
Guji halkan si aad heshid Axdiga Cusub

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa Kitaabka Quduuska ah oo si taxaddar leh loogu turjumay afkeenna-hooyo. Qasdiga Ilaah waa in Eraygiisa lagu turjumo luuqud kasta, sababtoo ah ma jirto luuqad si khaas ah quduus u ah oo ay tahay in Erayga Eebbe ee Kitaabka Quduuska/Baybalka uu ku qoranaado. Khaasnimada Baybalku kuma salaysna nooca luuqadda uu ku qoran yahay, ee waxay ku jirtaa akhbaarta/farriinta Baybalka ka hadlayo. Af-Soomaaligu wuxuu la siman yahay luuqadaha kale ee adduunka sida af-Ingirisiga amaba afka-Shiinaha, iyo xataa af-Carbeedka, sow ma aha?

Erayga la yiraahdo “Baybal” wuxuu ka yimid luuqadda Gariigga; waana kalmadda “Biblos”, waxaana micnihiisu yahay “Kutub taxan oo isla xidhiidha”. Hase ahaatee Baybalku ma aha wax kale ee waa Kitaabka Quduuska ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo Baybalka, ee Ilaah u soo waxyooday nebiyadiisii iyo rasushiisii. Haddaba Kitaabka Quduuska ah waxaa lagu qoray luuqado kala gedisan sida afka Cibraaniga afka Gariigga iyo afka Aramayag, waxaana la qoray wakhtiyo kala gedisan sidii uu Ilaahay ugu soo waxyoonayay nebiyaashiisii. Kadibna waxaa lagu turjumay luqado badan oo aduunka ah sida Ingriis, Carabi, Af-Soomaali iyo kuwo kale oo badan. Kitaabka Quduuska ah waxaa la qoray wakhti dhan 1600 oo sannadood. Baybalku wuxuu ka kooban yahay 66 kutub. Kitaab kastaaba wuxuu leeyahay taariikh gooni ah, hab gooni ah, wax gooniya oo ku qoran iyo ereyo gooniya oo loo doortay. Matalan, kitaab baa sidii gabay oo kale u qoran, mid waa taariikh, midna wuxuu sheegayaa mustaqbalka ama waxa soo socda. Baybalka waxaa ku jira 66 kutub oo kala duwan, laakiin 66ka kutubba waa kuwo isku ujeeddo ah: “Ilaah oo nala hadlaya”. Kulligood waxay muujinayaan akhbaarta Ilaah una sheegayaan qarni kasta dadka oo dhan.

OGEYSIIS:

Hoos waxaa jira xiriir ku geyn kara websayd kale. Markaad gaartid “e-Sword” fadlan hoos ka eeg liiska turjumaada luuqadaha faraha badan, ilaa aad gaartid “Somali Bible”. Haddii aad bartaas gujisid, waxaad ka heli kartaa Kitaabka Quduuska Ah oo dhan waxaanad ku kaydsan kartaa kombiyuutarkaaga.

Guji halkan si aad heshid Kitaabka Quduuska Ah

Comments are closed.