Macluumaad

Axdiga Cusub

Kitaabka Quduuska ah wuxuu ka kooban yahay 66 kitaab oo isu tegay, 27 waa Axdiga Cusub. Kitaabka Axdiga Cusub waxaa qoray rasuulladii iyo xertii Sayid Ciise Masiix, waxayna qoreen muddo 47 ilaa 90 AD. Asal ahaan, waa af-Gariig luuqadda ay ku qoreen. Iyagoo isticmaalaya wixii Ilaah nebiyada ugu sheegay Axdigii Hore, ee lagu fuliyey Axdiga Cusub, waxaana fuliyey Masiixa. Axdiga Cusub waa kitaabka fulinta ama oofinta. Nebigii ugu dambeeyey ee sheega Ciise Masiix imaanshihiisa wuxuu ahaa Yooxanaa Baabtiisaha ama Maquuriyihii [Yaxye]. Isaga ayaa Sayid Ciise ku muujiyay wacdigiisii/yeedhitaankiisii oo sheegay in Masiixu yahay kala guurkii Axdigii Hore, iyo Axdiga dambe. Nebi Yooxanaa wuxuu yiri: “Bal eega Wanka Ilaah”, (Injiilka sida Yooxanaa u qoray 1:29). Nebi Yooxanaa Baabtiisaha waa maragfurkii ugu horreeyey. Markii Sayid Ciise uu arkay oo ugu horraysey, Yooxanaa Baabtiisihii wuxuu caddeeyey in Ciise isaga ka sarreeyo oo ka weyn yahay.

Erayga “injiil” waa kalmed af-Carabi ah oo asal ahaan afka-Griigga ka timid; macneheeduna waa akhbaar wanaagsan ama bishaaro. Akhbaartaas wanaagsan ayaa ah lafdhabarta Axdiga Cusub. Axdiga Cusub waxaa lafdhabar u ah akhbaartaas farxadda leh oo ka badbaadinaysa dadka oo dhan dembigooda, isla markaana u suurtaggelinaysa inay ka adkaadaan Shayddaanka.

Axdiga Cusub wuxuu leeyahay afar qaybood:

Guji halkan si aad u heshid qisadooyin Injiilka iyo Falimaha Rasuullada
Guji halkan si u aad u heshid Waraaqihii rasuul Bawlos
Guji halkan si aad u heshid Waraaqaha Cibraaniyadda iyo Waraaqaha Guud
Guji halkan si aad u heshid Muujintii Ciise Masiix oo rasuul Yooxannaa loo muujiyey

Comments are closed.